Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo duqeeyey xero tababar oo Al-Shabaab ku leeyihiin Koonfurta Somalia

Duqeyn ay wadajir u fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo Milatariga Soomaaliya 24-kii bishan ayaa lagu diley illaa 13 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM).

Qoraalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in duqeyntan lala beegsaday xero tababar oo Al-shabaab ku leeyihiin koonfurta Somalia.

Maraykanka ayaa intaa ku daray iney sii wadi doonaan duqeynta ay ku hayaan Al-Shabaab iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya.

Laguma xusin qoraalka halka ay ku taallo goobta la duqeeyay iyo qaabka uu howlgalkan u dhacay.

Ciidamada Maraykanka oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Koonfurta Somalia ayaa xoojiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Xoogaga Al-shabaab tan iyo markii Donald Trump uu noqday Madaxweynaha Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Haweeney Doorasho uga guuleesatay Ninkii ay xafiisika u nadiifin jirtay iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

R/Wasaare Khayre oo Xalay lugta soo mariyay qeybo badan oo Muqdisho kamid ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

12-Caruur iyo Tababarahooda oo la la’aa 9-cisho oo laga helay Bohol biyo ka buuxaan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---