Allbanaadir.com
NEWS

Nin Waxyaabaha Maanka- dooriya oo badan heestay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Ciidanka booliiska Soomaaliya oo gacan ka helayay ciidanka booliiska sida milatariga u tababaran ayaa gacanta kusoo dhigay nin waxyaabaha maanka-dooriya ka ganacsanayay.

Howlgalkan oo ka dhacay qeybta galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay C/qaadir C/llaahi Axmed oo xilliga la qabanayay gacanta ku hayay maan-dooriye aad u badan sida booliiska sheegeen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan lasoo qabtay loo gudbiyay xabsiga laguna sameenayo baaris, waxa ayna xuseen booliiska in ninkan la horgeyn doono maxkamad.

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa milatariga sida booliiska u tababaran ayaa magaalada Muqdisho kawada howlgalo ka dhan ah burcada, waxyaabaha maanka-dooriya iyo kooxaha kale ee hubeesan.

Related posts

Maxbuus Xuseen Barakaat oo geeriyooday iyo Sababta Geeridiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Taliye Xijaar oo sharaxaad ka bixiyey howgalkii saaka ka dhacay degaanka Basra

Caydiid Ali

(Xog) dalalka ay u dhasheen shaqaalihii saarnaa dayuuradii ay qabsatay Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---