(Xog) dalalka ay u dhasheen shaqaalihii saarnaa dayuuradii ay qabsatay Al-shabaab

Waxaa weli soo baxaya faahfaahinta ku saabsan diyaaradda nuuca qumaatiga u kacda ee u gacan gashay Al Shabaab, taasoo sida la sheegay cillad ku timid darteed caga dhigatay goob ay ku sugan yihiin al Shabaab, xilin ay ka kacday magaalada Beledweyen, kuna sii jeedday deegaanka Wisil.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in guud ahaan tirada dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen sagaal ruux.

“Dadka diyaaradda saarnaa ayaa waxay kala ahaayeen Askari Soomaali ah, kalkaaliso Ugaandes ah, dhaqtar Masaari ah, laba ruux oo u dhashay dalka Kenya iyo afar ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo u dhashay Ukraine” ayuu yiri sarkaal ka tirsan QM oo ka gaabsaday magaciisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ay dileen dhaqtarka Masaarida ah, halka askariga Soomaaliga ah iyo kalkaalisada ugandheska ah ay ka baxsadeen goobta. Lixda qof ee ay gacanta ku dhigeen al Shabaab ayaa lagu sheegay laba ruux oo u dhalatay Kenya oo kala ah rag iyo haween iyo afarta u dhashay Ukraine.

Dawlad goboladkeeda Galmudug waxa ay sheegeen in ilaa iyo haatan aan wax war ah laga hayn labada qof ee baxsaday oo aysan soo gaarin deegaannada ay ka arrimayaan ciidamada Maamulkaas.

Wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka Somalia Daa’uud Aweys ayaa wakaaladda Reuetrs u sheegay in dhinacooda ay wadaan dadaal lagu soo furanayo dadka gacanta ugu jira Al Shabaab.

Diyaaradda oo la sheegay in ay ku diiwaan gashaneyd lambarka UNSOW RW 667 ayaa xogtaan lagu sheegay in ay si degdeg ah ugu degtay meel u dhaw deegaanka Gadoon oo lagu magacaabo Xaaboow, taas oo 70 kiilo mitir u jirta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib markii shay aan la gaarneynin uu ku dhacay mid kamid ah baalasha diyaaradda helicopter ka ah. Maalinimadii arbacada markii ay saacaddu ahayd 01:30 duhurnimo xilliga Soomaaliya.

 

- Advertisement -