Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxbuus Xuseen Barakaat oo geeriyooday iyo Sababta Geeridiisa oo la ogaaday

Siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Baxreyn horeyna loogu riday xukun xabsi daa’in ah ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday, waxaana siyaasigan wararku sheegayaan in uu u geeriyooday xanuunka Covid-19.

Xuseen Barakaat oo 48-sano jir ahaa ayaa ku xirnaa xabsiga ugu weyn ee dalka Baxreyn waxaana siyaasigan markii xaaladiisa xumaatay loola cararay isbitaalka  Salmaaniyah halkaas uu ku geeriyooday.

Xaaska Siyaasigan maxbuuska ahaa ee geeriyooday ayaa Warbaahinta u sheegtay in wacitaankii ugu dambeeyay ugu sheegay in uu aad u xanuunsanayo ayna dhibeyso neefsiga kana baqayo in uu geeriyoodo.

Siyaasigan geeriyooday ayaa sanadkii 2018-kii isaga iyo 53 qof oo kale oo kasoo horjeeday dowlada Baxreyn  lagu xukumay Xabsi Daa’in, kadib, markii lagu eedeeyay in ay aas aaseen Unug Argagixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/zJjlSUxDQJ0

Related posts

Haweeney caan ka aheyd Tiktok oo la dilay iyo khubaro loo saaray kiiska baarista dilka

Cabdi Cade

Awaamiir Adag oo lagu soo rogay Ciidamada Jubbaland (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade

Degaano ay ka mid yihiin Ceel lahelay iyo Moqokori oo lagala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---