Mareykanka ayaa billaabay howlgal uu ku sheegay inuu uga hortagayo xannibaada ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku soo rogeen badda cas iyo marinka ganacsi ee Bab el Mandeb. Howlgalka wuxuu bilowday waxyar kaddib markii bishii November,2023 ay Xuutiyiinta ku dhawaaqeen go’aankooda oo la xiriiray inay ka hortagayaan maraakiibka ganacsi ee ku socota dekedaha Israa’iil, markii hore xannibaada ayaa ku koobnayd Israa’iil, ujeeddada laga lahaana waa in Israa’iil lagu cadaadiyo joojinta dagaalka Qasa, balse bilo kaddib Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay inuu tagayo badda cas bishii December,2023, markaa oo la sheegay in ku dhawaaqista howlgalkan ay tahay in laga ilaaliyo weerarrada Xuutiyiinta maraakiibta ganacsiga.
Ma uu dooneyn Mareykanka inuu kali ku ahaado howlgalka, sida horey uu u sameeyay taariikhdiisa dagaal oo dhan, balse waqti badan ma qaadan markii uu Mareykanka arkay natiijo uusan horey u qiyaasin, waa in waddamada Yurub ay diideen inay howlgalkan qeyb ka noqdaan, dalalka sida cad u shaaciyay inaysan qeyb ka noqon doonin howlgalka waxaa ugu horreeyay Talyaaniga iyo Spain oo leh maraakiibta badan oo ganacsi, intaa oo kaliya ma aha dalalka Yurub waxay diideen , ee sidoo kale waxay ka hor yimaadeen in howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad Badeeda oo maraakiib ay ka joogto biyaha ku dhow Soomaaliya in sidoo kale loo adeegsado howlgalka la dagaallanka Xuutiyiinta.
Wasaaradda difaaca Mareykanka , waxay bilowgii ku dhawaaqday in ugu yaraan 20 waddan ay ka qeybgalayaan howlgalkan, halkan waa meesha koowaad ee Mareykanka uu dharbaaxada kala kulmay, sababtoo ah ma jirin cid ku wehelisay howlgalkan oo Ingiriiska iyo Faransiiska oo bilowgii doonayay inay qeyb ka noqdaan way ka caga jiideen, wayna ka fogaadeen goobaha maraakiibta Mareykanka.
Howlgalka wuxuu soo muujiyay, inuu ahaa midkii ugu sarreeyay ee taariikh uu Mareykanka fuliyay, tan oo xaqiijinaysa hubka uu Mareykanka adeegsaday, maraakiibtiisa dagaal ee kuwa wax burburiyay, kuwa diyaaradaha xambaara illaa uu geeyay meel aan ka fogeyn badda cas oo uu ku weerarray gudaha Yemen, diyaaradaha xambaara bambooyinka culus iyo nukliyeerka ee B-12. Ma jirto awoodda oo dhan goob kale oo aan Yemen ahayn oo uu horey Mareykanka ugu weerarray..!
Guul-darrada sirdoon ee uu la kulmay howlgalka
Mareykanka, wuxuu tan iyo horraantii sannadkii 2024, ka fulinayay gudaha Yemen, weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta, balse weerarrada dhammaan waxay lumiyeen bartilmaameedyo sax ah, tan oo ka dhalanaysa in sirdoonka Mareykanak uu ku guul-darraystay inuu wax ka oggaado, warshadaha difaac ee Xuutiyiinta, saldhigyadooda milatari iyo goobaha ay ku suganyihiin hoggaanka sare ee kooxdan oo Mareykanka uu ku hanjabayay inuu meesha ka saari doono, tani waxay keentay Mareykanka inuu duqeeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka ay maamullan Xuutiyiinta oo dekedaha, garoommada diyaaradaha iyo xarumaha korontada. Weerarradan ayaa xaqiijiyay in sirdoonka Mareykanka iyo kuwa galbeedka ay lumiyeen inay helaan xogo sirdoon oo ay khasaare ku gaarsiin karaan awoodda Xuutiga.
Taa beddelkeeda, si layaab leh Xuutiyiinta waxay weerarro dhibaateyn ah la beegsanayeen maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, iyagoo adeegsanaya doomo is qarxiya, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya iyo gantaallo.
Fadeexada uu Mareykanka kala kulmay howlgalkan
Mareykanka, wuxuu ku soo gabagabeeyay howlgalkan isagoo ku guul-darraystay inuu awood milatari ku burburiyo Xuutiyiinta , wuxuuna horraantii bishan May, la gaaray Xuutiyiinta Yemen heshiis ay dhex dhexaadisay dawladda Cumaan, iyadoo la xaqiijiyay heshiiska inuu ka yimid dhinaca Mareykanka, ee ma aha in Xuutiga ay wax dalab ah gudbiyeen, wuxuu dhigayay heshiiska in labada dhinac ay joojiyaan weerarrada , Mareykanka ma weeerarri doono Yemen, halka Xuutiga aysan weerarri doonin maraakiibta ganacsiga Mareykanka, wuxuuna heshiiska meesha ka saaray in Mareykanka uu gaaro ujeeddooyinka uu lahaa ee ay ugu horreysay furitaanka badda cas iyo inuu ka hortaggo weerarrada ay xuutiga ka geysanayaan gudaha Israa’iil, balse Mareykanka wuxuu ka so tagay badda cas, isaga oo aan xaqiijin labada ujeeddo ee howlgalka ku dhawaad labada sanno socday laga lahaa, hadda Xuutiga waxay weerarrayaan gudaha Israa’iil, waxayna xireen dekedaha Israa’iil, sababtoo ah maraakiibta ku socda ma adeegsan karaan badda cas, tana waa markii u horreysay oo laga arkayo Mareykanka oo cadow uga tagay Israa’iil, taa oo gudaha Israa’iil ka dhalisay carada ka dhanka ah Mareykanka.
Waxyaabaha aan horey loo maqal ee dhacay muddada uu socday howlgalka
Mareykanka wuxuu ku dhawaaday in dunidda horteeda uu ceeb kala kulmo, kaddib markii la xaqiijiyay in saddexdii bilood ee u dambeysay ka hor inta aan howlgalka la soo gabagabeyn, inay xuutiyiinta ku dhawaadeen dhulka inay soo dhigaan diyaaradda jiilka shanaad ee Mareykanka ee F-35, waan kugu celin tani waa diyaaradda weerar ee ugu awoodda badan Mareykanka ee jiilka shanaad, sida uu xaqiijiyay wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee New York Times, oo sarkaal Mareykan ah ka soo xigtay; Xuutiyiinta waxay ku dhawaadeen inay soo ridaan diyaaradda F-35, isla Xuutiga ayaa ku dhawaaday inay ridaan diyaaradda kale ee F-16.
Waxay noqon lahayd fadeexadii u sarreysay ee Mareykanka uu la kulmo, balse wali waxaa jirta shakiga, maxaa dhacay inta uu howlgalkan socday? Waxaa jirta hal dhibaato waa inan la ogeyn waxyaabaha ka dhacay bartamaha badda cas oo ah goobaha ay Xuutiyiinta ku weerarrayeen diyaaradaha Mareykanka, waxa ay saraakiisha Mareykanka xaqiijyeen waa in lagu dhawaaday soo ridista F-35, laakin si madax bannaan looma oga wax kasta oo ka dhacay badda cas.
Xuutiga waxay ahaayeen kuwa sare u qaadaya mar kasta oo howlgalka lagu sii jiro awoodooda, inta uu howlgalka socday waxay la soo baxeen gantaallada riddada dheer ee guuxooda la dheereeya ee hypotonic-ga, waa awood aysan lahayn dalalka dunidda oo kaliya, waxaa la sheega inay afar waddan oo kala ah Ruushka, Shiinaha, Iran iyo Mareykanka inay heystaan, balse Xuutiga ayaa awooday inay gantaalladan ku weerarraan goob kasta oo ka mid ah dhulka ay Israa’iil heysato oo masaafo ka badan 1,000 km u jira dhulka Yemen. Waxaa kaloo ay xuutiyiinta hormarinayeen diyaaradaha ana duuliyaha lahayn iyo gantaallada, tani waxay keentay in Mareykanka uu ku eedeeyo Ruushka iyo Shiinaha inay ku lug leeyihiin wax soo saarka hubka Xuutiyiinta oo markii hore ku koobnaa iran, intaa oo kaliya ma aha wuxuu mar kale Mareykanka ku eedeyay Shiinaha inuu ku caawinayo Xuutiyiinta dayax-gacmeedyada hawada sare oo u oggolaanaya xogta ay soo gudbinayaan inay Xuutiyiinta si sax ah u garaacaan bartilmaameedyada ay weerarrayaan.
Wargeyska New York Times, ayaa sidoo kale daah qaaday in kaydka gantaallada Mareykanka ay markii horreysay la kulmeen hoos u dhici u sarreeyay, sabab la xiriirta dagaalka lagula jiro Xuutiga, sidoo kale diyaaradaha bambooyinka culus qaada ee B-12 oo loo raray jasiirad ku taal badweynta Hindiya, waxaa loo cabsaday inay la kulmaan cilad ka dhalata cimilada ay ku suganyihiin,iyadoo kaliya saddexdii bilood ee u dambeysay uu Mareykanka ku khasaaray dagaalka uu kula jiray Xuutiyiinta wax ka badan 1 bilyan oo dollar, ma aha khasaarahan mid dhacay labadii sanno ee howlgalka uu socday ee waa kaliya saddex bilood, tan oo ka dhigan in khasaarihii u sarreeyay ee dagaal uu Mareykanka la kulmay.
Mareykanka, waxaa kaloo uu fadeexad kala kulmay inay xuutiyiinta suuqa ka saareen diyaaradda uu ku faani jirey ee aan duuliyaha lahayn MQ-9 oo ka mid ahayd diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loogu iibsiga badan yahay, balse Xuutiga ayaa diyaaradan ka soo riday ku dhawaad 20 ka mid ah , mid kasta oo ka mid ah diyaaradan waxay joogtay 33 milyan oo dollar, taa oo ka dhigan khasaare ka badan 1 bilyan oo dollar inuu Mareykanka la kala kulmay soo ridista diyaaradan , ma joogsan khasaaraha oo labadii bilood ee u dambeysay, wuxuu Mareykanka lumiyay labo diyaaradood oo ka mid ah kuwa dagaalka ee F/A-18 Super Hornets oo ku burburay badda cas, balse ma uusan sheegin Mareykanka haddii xuutiyiinta ay soo rideen, xaaladan waxay ku khasabtay Mareykanka inuu si dhaqso ah heshiis u raadiyo, waxaana dhacay in ururkii uu argagixisada u aqoonsaday inuu la galay heshiis xabbad-joojin ah, ma aha iska horimaad labo dal, ee waa dalkii ugu xooggana caalamka oo urur ka dalbaday xabbad-joojin, waxay sidoo kale ku calaamadeysanyihiin Xuutiyiinta oo taariikhda ay ku galayaan Carabtii u horreysay ee ka guuleysatay Mareykanka, si ka duwan dalalkii Carbeed ee duullaan uu Mareykanka ku qaaday ku burburay , waxay Xuutiyiinta noqonayaan Carabtii u horreysay ee heshiis uu ka dalbaday, wuxuuna garabsaday in howlgal milatari aysan ahayn xalka , isagoo ka soo tagay badda cas, waqti ay awood dhisantahay awoodda milatari ee Xuutiga.
Casharka ku jira iska horimaadka Mareykanka iyo Xuutiga oo guul-darrada uu ka wajahay Mareykanka waa inay meesha ka baxday sarreyntii Mareykanka, tana waa farriin ku socota iskuday kasta oo Mareykanka ku wajahi karo Iran oo iyadu milatari ahaan u dhistay Xuutiga. Quwad kasta oo dunidana waxay hadda dagaal geli doontaa iyadoo aan ka xaqiijin karin guul, waayo kala adkaanshaha ayaa meesha ka baxday, qolo kasta oo sarreynta filanaysay hadda waxay wajahday guul-darro, ka soo bilow, Israa’iil, Mareykanka iyo iska horimaadkii u dambeeyay ee Hindiya ay la gashay Pakistan, oo ku soo dhammaaday fadeexad ay la kullantay Hindiya..!
W/Q iman Jamac
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com