Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dhaawacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nabadoon caan ah ayaa caawa lagu dhaawacay Dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray

Omar Nuur Bacuuli ayaa ka tirsanaa nabadoonada beesha Shiikhaal, waxaana lagu toogtay xaafada Al-Aqsa ee degmada Wadajir.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa si xun u toogtay Nabadoonka oo Maalma ka hor ka soo laabtay dalka Sacuudiga oo ku soo gutay cimrada.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa loola cararay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho oo lagula tacaalayo, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu dhaawaiciisu yahay mid halis ah.

Ciidamada amaanka DF ayaa ku baxay goobta uu dilku ka dhacay hase ahaatee kuma guuleysan iney gacanta ku dhigaan kooxihii ka dambeeyey oo goor horeba baxsaday.

Related posts

Ciidamadii Saadaq Joon iyo Indha Cadde oo aag cusub qabsaday iyo Ciidamada Haramcad oo…

Cabdi Cade

Villa Somalia oo wajaheysa “laba daran mid dooro” sababo la xariirta warkii beesha caalamka

Cabdi Cade

Tirada dadka qaba COVID-19 ee gudaha Soomaaliya oo 800 kor u dhaaftay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---