Villa Somalia oo wajaheysa “laba daran mid dooro” sababo la xariirta warkii beesha caalamka

Beesha caalamka ayaa xalay soo saartay war-saxaafadeed waqti dheer la sugayay oo ay uga hadleen xaaladda doorashada dalka iyo sida ugu habboon ee xaaladda cakiran looga gudbi karo.

Dulucda war saxaafadeedka ayaa ahaa in dhammaan dhinacyada arrintu khuseyso ay wadahadal iyo isu tanaasul ay wax ku dhameeyeen, si dhawaan loo qabto doorasho la isku raacsanyahay.

“Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan”, ayaa lagu war-saxaafadeedka

“Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan.” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Dhammaan talooyinka la xariira wadahadal la galo waxay utun iyo wadna qabad ku yihiin Villa Somalia oo diidaneyn in ay wax wada xaajood ah arrimaha doorashooyinka kala gasho dhinacyada ay khuseyso, maadaama hadii la wada hadlo ay Meesha ka bixi karaan dhammaan qorshooyinkii uga degsanaa qabashada doorasho u sahleysa inay si fudud xukunka kusii joogaan.

Dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay reja xuma ka muujinayaan in hoggaanka dalka uu si fudud ku aqbali karo soo jeedinta wadahadalka lagu baadi goobayo xalka, hase yeeshee waxaa kale oo ay taxliilinayaan in hadii soo jeedintaas la diido ay beesha caalamku banaanka soo dhigi doonto qorshaha labaad ee xal lagu heli karo.

Qorshaha labaad ayaa lagu sheegay inuu noqon karo, “Roadmap Cusub” oo Meesha ka saari doona awoodda hoggaanka dalka, taas oo iyana ku noqoneysa mushaakil labaad oo dadka qaar ay sheegayaan inuu uga sii darnaan doono wadahadalka.

Si kastaba, Villa Somalia oo isu diyaarineysay in doorashada dalka ka dheceysa ayan waxba ka bedelin hoggaanka dalka ayey maanta ka joogaa “laba daran mid dooro”, maadaama wadahadalku uusan u rooneyn, qorshaha xigana uu uga sii daranyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -