Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dibed-bax ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka dhacay degmada Baardheere (Daawo Sawirro)

Boqolaal qof oo ka mid ah shacabka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta dhigay Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland.

Dadka banaanbaxayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa, waxayna ku soo wareegeen wadooyinka degmadaas.

Odayaasha degaanka ayaa ka sheegay dibed-baxa in Jubbaland ay iyaga wax ka soo dhiseen balse ay diidan yihiin maamul xumo ay sheegeen inuu ku kacayo Axmed Madoobe.

Dadka isu soo baxay ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu yahay hogaamiye gooni u goosad ah oo ka hor yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo isugu jiray rag, haween iyo caruur ayaa waxay degmada Baardheere ku gubeen Taayero.

Dibed-baxan ayaa qeyb ka mid ah kacdoon looga soo horjeedo hogaamiyaha Jubbaland oo maalmahan laga dareemayey degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo qaaday talaabo kale oo ka farxisay Siiriya

Caydiid Ali

Dab xoogan oo baabi’iyay qeybtii Keydka Daawada ee Isbitaalka Dayniile

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagay Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---