Digniino laga bixiyey telefono dibeda ka soo waca dadka oo laga hadal hayo Muqdisho

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay lambaro dibadda ah oo maalmahan dambe soo wacaya telefoonada ay heystaan dadka ku nool koonfurta Somalia.

Qoraal Kooban oo wasaaradu soo dhigtay barteeda Facebook ayey ku sheegtay inay soo gaartay cabashada dadweynaha ee ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco shacabka, sida loo dhigay qoraalka.

Waxay intaas ku dartay inay xiriir la sameyneyso dalka laga leeyahay lambaradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii wax looga qaban lahaa. Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan” ayaa lagu yir qoraalka.

Baraha bulshada iyo goobaha lagu kulmo ayaa waxaa maalmahan si weyn loogu hadal hayey wicitaannada ka imaanaya dalka nambaro kala duwan hase ahaatee wata furaha dalka Austria oo ah +43 kuwaasoo ay dadku ku jahwareereen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -