Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Burcad dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Rag burcad ah oo dhac u geysanayey shacabka ayaa xalay lagu qabtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Boliska gobolka Banaadir oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in burcadan oo ka koobnaa labo nin ay ku hubeysnaayeen qoryo.

“Caawa 22/4/2023 abaaro  10:25pm waxay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Boliiska Saldhiga wadajir labo nin burcad ah kuwaasoo  ku howlanaa falal burcadnimo, iyagoo  ku hubeysnaa Qori Ak 47 iyo qori faal ah” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Labada nin ee burcada ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxiin Aaran Cabduqadir oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka & Abshir Cali Nuur oo aan la sheegin inuu ciidan ahaa iyo in kale.

“Waxaa la horgeyn doonaa Cadaalada” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Boliska gobolka Banaadir.

Burcada dhaca u geysata shacabka ayaa mudooyinkan ku soo badanayey xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

DF oo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay hor dhigtay dalab xasaasi ah

Caydiid Ali

Wado kutaala Muqdisho oo laami cusub la saaray oo xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cabdirashiid Janan oo ku farxay Go’aankii Doorashada 16-ka kursi looga wareejiyay Garbahaarey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---