Guurre “Safiirka Soomaaliya u fadhiya Brussels mar kasta oo wefdi yimaado [WAREYSI MAQAL & MUUQAAL AH”

Maxamed Cusmaan [Guure] oo ka tirsan guddiga sare ee maamulka dalladda FSAN, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin ururo Soomaali ah oo ka dhisan waddanka Netherland ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda Soomaalida dalkaasi ku dhaqan & qaxooti cusub oo dalkaasi yimid dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay

“Waxaan la xiriirnay ururka la yiraa CBS oo soo uruuriya inta qaxooti ee soo gashay, wuxuu noo soo gudbiyay in 24,000 oo qaxooti dhowr waddan isugu jira in ay dalkan soo galeen. Soomaalidu tiradaas ayeey ka yihiin 3%, waxaan ka codsanay in ay inoo soo gudbiyaan cadadka saxda ah ee Soomaalida xerooyinka ku jira waxaan ka sugeynaa in ay dhowaan inoo soo gudbiyaan” Ayuu yiri Maxamed Cusmaan Guurre, isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay soo dhoweynayaan dhaliilaha loo jeediyo guddihooda ee ku saabsan in ay sheegtaan in ay ku hadlaan codka Soomaalida, haddana aysan Soomaalida waxba u qaban.

Guurre, oo wareysi siiyay Somali Nederland TV [Youtube] waxaa la weydiiyay in dallada FSAN oo aheyd dallad kulmin jirtay ururada ugu badan ee dalkaasi ka jira, balse ay isaga baxeen ururadii bud-dhiga u ahaa markii ay saluugeen guddiga dalladda oo fadhiid noqday, wuxuu sheegay in FSAN tahay metalaada dhabta ah ee Soomaalida.

“FSAN waa metelaada dhabta ah ee Soomaalida, Dowladda dalkan cidda keliya ee ay la soo xiriirto waa FSAN, safiirka Soomaaliya u fadhiya Brussels marka wefdi Soomaali ah uu yimaado annaga ayuu si toos ah inoo wacaa” Ayuu yiri Guurre.

- Advertisement -