Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Cabdirashiid Janan oo ku farxay Go’aankii Doorashada 16-ka kursi looga wareejiyay Garbahaarey

Wasiirkii hore amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa taageeray go’aankii guddiga doorashada kasoo baxay ee magaalada Garbahaarey looga wareejiyay doorashada 16-ka kursi ee horey loogu asteeyay Garbahaarey.

Cabdirashiid Janan oo mar ahaa ninka ugu awoodda badan gobolka Gedo ayaa sheegay in gobolkaasi nasiib daro ku dhacday, waxa uuna khilaafka doorashada ee ka jiray 16-ka kursi kala yihiin mid sharci wata iyo mid sharci daro ah.

“Gobolka Gedo arrin nasiib darro ah ayaa ku dhacday, waxaana u arkaa khilaafka hadda jira midna waa mid sharci wato, midna waa mid sharci darro ah. Marka dabcan midka sharciga wato ayaan is leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo dadka reer Gedo-ba inay u hiilliyaan uuna dhaqan geli doono, saas ayaan rajeynayaa insha allah,” ayuu yiri Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in haboon tahay in kuraasta taala gobolka Gedo iyo doorashadooda looga dambeeyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Guddiyada doorashada heer federaal iyo Heer goboleed iyo maamulka Jubbaland.

“Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa doorashada dalka u xil saarnaa, waxaa jiray guddiyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Dabcan marka guddiyadaas iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo dowlad goboleedka Jubaland madaxdeeda wixii ay isku racaaan baa sharci noqonaya,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee amniga.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland ayaa markii uu kasoo goostay Jubbaland isku dhiibay Madaxweyne Farmaajo, hasa ahaate khilaaf ayaa mar kale soo kala dhax galay Farmaajo iyo Janan taas oo keentay in uu taageero in Garbahaarey laga wareejiyo doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay labo sharci oo quseeya Doorashada Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey baadi goobka dayuurada uu la socday Madaxweyne Raisi

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi la socda oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---