Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada PSF oo gadooday, kana baxay aagaga dagaalka Al-Shabaab

Ciidamada Nabad sugida Puntland PSF oo gadood sameeyey ayaa ka baxay qaar ka mid ah furumaha dagaalka ee ay ku hor fadhiyeen Al-shabaab.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka ayaa caawa gaaray saldhiga weyn ee Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF.

Ciidankaas oo u badan cutubyo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF

Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis waxa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado Al-shabaab, waxaana gadoodka ciidankan uu salka ku hayaa xilka ka qaadis uu taliyahooda ku sameeyey Madaxweyne Deni oo sidoo kale magacaabay taliye kale.

Related posts

Awoodaha Raisul Wasaaraha cusub iyo saameynta uu ku leeyahay Madaxweynaha

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday ragii ka dambeeyay dilka Shaafici Xaaji Diiriye

Cabdi Cade

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

admin
Taboola Ads ---