Maraykanka oo si jees jees ah u magacaabay caasimadda cusub ee Falastiin

Mareykanka ayaa Falastiiniyiinta u soo jeediyay codsi ah in Qudus bedelkeeda ay caasimadooda ka dhigtaan magaalada Abu Dis oo dhacda duleedka magaalada Qudus.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa Falastiiniyiinta ugu baaqay iney niyadooda ka saaraan iney caasimad ka dhigtaan bariga Magaalada Qudus.

Madaxa xafiiska Siyaasadda ee Xarakada Falastiin Ismaaciil Hani’a ayaa sheegay inaysan suurtagal aheyn codsiga Mareykanka oo ah in  Qudus badelkeeda ay casimdda falastiin noqoto magaalo kale.

“Hadalka Maraykanka uu noogu tilmaamayo halka aanu caasimad ka dhiganeyno waa mid jees jees ah” ayuu yiri Mr. Hani’a.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in sidoo kale soo jeedintaasi Mareykanka u soo Bandhigay Madaxda Falastiiniyiinta ay ka mid tahay in saddex meel loo kala qeybiyo Daanta galbeed ee dhulka Falastiin, in mamulka Gaza la hoos geeyo Israel iyo in Buundo laga sameeyo inta u dhaxeeysa magaalooyinka Qudus iyo Abu-Dis si aysan muslmiinta Salaadda ugu dukan masjidka Barakeysan ee Qudus.

Madaxa xafiiska siyaaasadda Falastiin ayaa sheegay in talaabada uu wado Madaxweynaha  Mareykanka ay u horseedayso dagaal hor leh ee ka dhex qarxa Falastin iyo Israel, wuxuuna cadeeyay in haatanba la diyaariyay Ciidan Falastiniyiin ah oo la dagaalamaya wax uu ugu yeeray Sahyuuniyada caalamiga ah.

Maraykanka ayaa dhowaan caasimada Yuhuuda u aqoonsaday magaalada Qudus, isagoo sidoo kale xusay inuu safaaradiisa Tel aviv u soo rarayo Magaalada Qudus, waxaana hadalka Maraykanka uu ka careysiiyey dunida Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -