Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid xilli Salaad lagu jiray (Sawirro)

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay gudaha masjid weyn oo ku yaalla magaaladda Peshawar ee dalka Pakistan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay in uu qarxay xilli salaada duhur lagu jiray, waxa uuna qaraxan xooggan ka dhacay safka hore ee masaajidka sida warbaahinta u xaqiijiyay booliiska Pakistan.

In ka badan 25 qof ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee masaajidka lagu qaaday, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 100 qof kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus soo gaareen.

Dhaqaatiirta isbitaalada la geeyay dadka qaraxa ismiidaaminta ah ku dhaawacmay ayaa dalbaday in dhiig lagu taageero dhaawacyada, waxaana socda gargaar lala gaarayo dadka dhaawacyada qaraxan kasoo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -