Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

(Sawirro) Saddex ka mid ah dalalka carabta oo lagu arkay Cudurka Coronavirus

Cudurka CoronaVirus ayaa kusii faafaya waddamo caalamka ah, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in kiisas cudurkaasi ah lagu arkay waddamada Kuwait, Ciraaq iyo Baxrayn.

Dalka Iran ayaa sidoo kale dhimashada cudurkan ay korodhay, halka dalka Talyaaniga uu cudurka ku dhacay dad ka badan 200 oo qof.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay soo saartay tallaabooyin culus oo ay ku xakamaynayso in caabuqa coronavirus uu ku faafo qaaradda Yurub.

Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte ayaa gelinkii dambe ee Sabtida waxa uu ku dhawaaqay qorshe degdeg ah xilli tirada dadka uu caabuqaasi ku dhacay ay sare u kacday.

Guud ahaan caalamka waxaa cudurkan u dhimatay in ka badan 2,400 kuwaasoo badankoodu ku dhinteen magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Ruushka oo Golaha Ammaanka ku tilmaantay Munaafaqiin labo Wajiile ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa oo 16 cisho ka dib ku soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Dal Afrikan oo iska indha tiray cudurka Caronavirus oo doorasho Madaxweyne ka bilaabatay

Cabdi Cade