Booliska oo War cusub ka soo saaray toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Alabama

Laba dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka ku nool gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa la dhigay xabsiga waxaana lagu soo oogay dacwad dil ah toogashadii todobaadkii hore ka dhacday xaflad dhalasho oo oo ay ku dhinteen afar qof 32 kalena ay ku dhaawacmeen, afhayeen u hadlay booliiska gobolka ayaa sidaas sheegay

Tuhmanayaasha oo kala ah Ty Reik McCullough, 17, iyo Travis McCullough, 16 – ayaa la xiray waxaana lagu soo oogay afar dacwadood oo dil aan loo meel dayin, Sergeant Jeremy Burkett oo ka tirsan wakaaladda fulinta sharciga ee Alabama ayaa sidaas sheegay intii lagu jiray shirka jaraa’id.

Toogashada ayaa Sabtidii ka dhacday Istuudiyihii Qoob ka ciyaarka ee Mahogany Masterpiece ee ku yaalla Dadeville, oo ah meel ay ku nool yihiin 3,200 oo qof oo qiyaastii 50 mayl (80.47 km) waqooyi bari kaga beegan Montgomery.

Sagaalka qof ee dhaawaca ah ee weli cisbitaalka la dhigay, shan ka mid ah ayaa xaaladoodu aad u liidataa, Heidi Smith, oo ah af hayeenka Cusbitaalka Lake Martin Community, ayaa shir jaraa’id ku sheegay Isniintii.

Saddex dhalinyaro ah iyo nin 23 jir ah ayaa ku dhintay toogashadaasi.

Toogashadan ayaa daba socota rabshado kala duwan oo ka dhacay Tennessee iyo Kentucky kuwaas oo sababay in hogaamiyayaasha maxalliga ah ay ku baaqaan in la adkeeyo tillaabooyinka xakamaynta hubka.

Toogashada wadareed ayaa wax caadi ah ka noqotay Maraykanka, iyadoo ugu yaraan 165 qof ilaa hadda la dilay sab adkan 2023 oo kaliya, waana tiradii ugu badneyd tan iyo sanadkii 2016.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -