Maxkamad Lacag magdhaw ah ku xukuntay shirkad wareysi-shaqo ka ceyriyay gabar diidday in ay salaanto ninkii wareysiga ka qaadayay!!

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anaadool ayaa warbixin ka qortay gabar Muslimad ah oo uu wareysi-shaqo ka ceyriyay ninkii ka qaadayay wareysiga oo ay ka diidday in ay salaanto, kadibna ay ka gudbisay dacwad magdhaw loogu xukumay Afar kun oo doolar.

Faarix Alxaaj oo ah gabar 24-jir Falasdiiniyad ah oo heysato dhalasho Swidish ah waxay shaqo tarjumaad ah u doonatay shirkad ku taalo magaalada Uppsala ee dalka Sweden, waxayna markii ay gashay qolka wareysiga ay diidday in ay salaanto oo ay gacanta-geliso ninkii waregsiga-shaqo ka qaadayay, waxayna taas bedelkeeda gacanta saartay xabadka, kadibna waxaa laga ceyriyay goobtii wareysiga.

Faarix ayaa u dacwootay hey’adda la dagaalanka takoorka ee Ombudsman oo dacwadeedii maxkamad usii gudbiysay, waxayna maxkamadaasi ay arbacadii lasoo dhaafay shirkaddii kusoo oogtay in ay meel uga dhacday xuriyadda diineed ee gabadhaan, waxayna ku xukuntay $4,350 oo magdhaw ah.Faarix Alxaaj oo ah gabadha ma muuqata sawirka hoose oo uu wareysi la yeeshay Tilifishanka qaranka Sweden(SVT) ayaa tiri “waan ogahay in ay salaantu dhaqan ka tahay Yurub, balse anigu waxaan ahay gabar muslimad ah, diinteyduna iima ogola in aan ragga gacanta-geliyo, waxaana mudanahay in la igu ixtiraamo diinteyda maadaama aanan cidna dhib ku heynin, ujeedka aan u dacwoodayna ma aheyn in aan lacag helo, ee waa in aan caddeeyo in aan saxanahay, oo aan tusaale u noqdo gabdhaha kale ee muslimiinta ah ee berito shaqo-u-doonanaya shirkadaha dalkaan!!”

Waxaa qoray wakaaladda Anaadool
waxaana tarjumay Hussain Sabrie

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -