Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Nin mindi ku hubeesnaa ayaa weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu ka geestay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday weerarkan mindida loo adeegsaday halka labo qof oo kalana dhaawacyo culus soo gaareen, waxaana Warbaahinta sheegeen in ninka weerarka geestay uu ku dhawaaqay Kalmada Allahu Akbar.

Ciidamo katirsan booliiska Faransiiska oo soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa toogtay ninkii ka dambeeyay weerarka, waxa ayna booliiska durba bilaabeen baaritaanka weerarkan.

Kooxda Daacish ayaa qoraalo ay baahisay durba ku sheegatay masuuliyada weerarkan saakay ka dhacay magaalada Paris, waxa ayna kooxdan sheegtay in ninka weerarka geestay uu daacad u ahaa kooxdooda.

Daacish ayaa horey dalka Faransiiska uga geesatay weeraro badan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan weeraradan ka dhaceen magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -