Hogaamiyaha Kooxda Daacish oo mudo dheer kadib soo diray fariin

Hogaamiyaha Kooxda isu magacawday Khilaafada Islaamka ee Daacish Abuubakar Al Bagdaadi ayaa fariin cod ah soo diray, kadib mudo ku dhawaad sanad oon codkiisa la maqal sidoo kale aan la arag Muuqaalkiisa.

Fariinta codka ah uu soo diray Hogaamiyaha Daacish ayuu kula hadlay taageerayaasha Daacish, waxa uu sidoo kale Hogaamiyahan fariintiisa uga hadlay arimo xiligan taagan ay kamid tahay xariga Turkiga u geestay Baadari u dhashay Mareykanka.

Abuubakar Al Bagdaadi ayaa fariintiisa ku  sheegay in kooxdiisa aysan niyad jab u keeneyn in laga qabsado magaalooyin ay heesteen ama sidoo kale lagu soo weeraro gantaalo culus iyo hub casri ah.

“Mujaahidiinta  guushooda ama guul darradooda kuma xirna magaalo la xaday kumana niyad jabayaan gantaallada cul culus iyo bambaanooyin casri ah oo loo adeegsado” Ayuu yiri Hogaamiyaha Kooxda Daacish.

Amiirka Kooxda Daacish ayaa warkiisa la waayay tan iyo sanadkii hore , waxaana marar badan la sheegay in Hogaamiyahan lagu dilay weeraro ka dhacay gudaha Siiriya iyo Ciraaq inkastoo warkaasi been noqday.

Abuubakar Al Bagdaadi ayaa madaxiisa la dul dhigay lacag dhan 25 milyan Dollar oo la siinayo cidii keenta xog lagu xiri karo ama lagu dili karo, waxaana Amiirkan loogu jiraa baadi goob xoogan.

Kooxda Daacish oo awood badan ku laheyd dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa awoodeeda hoos u dhacay kadib markii kooxdaasi dagaal looga saaray magaalooyin waa weyn ay kamid ahaayeen magaalada Musil ee dalka Ciraaq iyo Gobolka Raqa ee Dalka Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -