Ciidamo uu wato Saney Cabdulle oo Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab wada (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo balaaran oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka wada duleedka deegaanka Bud-bud ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada howlgalka wada uu horkacayo korneyl Saney Cabdulle ayaa gaaray deegaanno duleedka ka ah Bud-bud, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku baacsanayaan xubno katirsan Al Shabaab oo lagu sheegay dhulka howdka ah.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saney Cabdulle ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna sheegay in ay sii soconayaan ilaa Al Shabaab laga saarayo deegaannada ay joogaan.

Saney  ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada ay howlgalada ka wadaan ka dalbaday inay ciidanka la shaqeeyaan , isagoona ugu baaqay in ay iska saaraan hadii ay ku jirto cabsi ay ka qabaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan Khawaarijtii laga xoreeyey.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaana howlgalo balaaran kawada deegaanno katirsan gobolka Galgaduud, ciidamada ayaana isku diyaarinaya howlgal balaaran oo lagu qabsanayo degmada Ceelbuur iyo deegaanno hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -