Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo safaro muddo dheer dibadda uga maqnaa kasoo laabtay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar maalmo badan ugu maqnaa dalalka Ethiopia, Kenya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garawe.

Siciid Deni garoonka diyaaradaha Garawe waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland,wasiirro , xildhibaano , saraakiil ciidan iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Garawe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa muddooyinkii uu safarka ugu maqnaa dalalka Ethiopia, Kenya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta kulamo kala duwan lasoo qaatay madax kala duwan, hay’addo iyo siyaasiyiin, kuwaa uu kala hadlayay arrimaha Puntland.

Safarka Madaxweyne Deni ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa yimid xilli uu xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kaddib markii uu ka carrooday in aan lasiin Ra’isul Wasaare sidoo kale aan la talo gelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo hadalo aan looga baran ka jeediyey shirka Madasha Iskaashiga Somalia

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ka mid noqotay Dalalka sida wayn u horumaray dhinaca Miisaaniyadda furfuran iyo hufnaanta

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo si adag uga hadlay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---