Madaxweyne beeniyay in uu qorsheeyay in xilka ka tuuro kuxigeeniiisa ammaana u jeediyay

Madaxweynaha dalka Botoswana, Mokgweetsi Masisi ayaa been abuur ku tilmaamay warar warbaahinta qaar si weyn u baahiyeen oo ku aadanaa in uu xilka ka qaadayo kuxigeenkiisa Slumber Tsogwane.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in madaxweynaha abaabulayay in xilka laga qaado kuxigeenkiisa, waxaana wararkaasi keeneen in madaxweynaha markii dambe uu ka hadlo sidoo kale beeniyo.

Madaxweyne Mokgweetsi Masisi oo shir jaraa’id qabtay ayaa beeniyay wararka la faafiyay, waxa uuna sheegay in aysan jirin qorshe la diyaariyay oo xilka looga qaadayo kuxigeenkiisa Slumber Tsogwane..

Waxa uu sheegay madaxweynaha in aysan jirin wax shir ah uu la yeeshay golaha wasiirada si xilka looga qaado kuxigeeniisa, waxa uuna ku ammaanay kuxigeenkiisa in uu yahay nin howlkar ah oo shaqo wannaagsan Qaranka u haya.

Hadalkan ayaa meesha ka saarayay wararkii horey usoo baxay ee sheegayay in uu khilaaf ka dhaxeeyo madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, uuna qorsheenayo madaxweynaha in xilka laga tuuro ninka ku xiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -