Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Erdogan oo la taliyihiisa gaarka ah u u soo diray Muqdisho

Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga wafdiga waxaa hoggaaminaayay Dr. Sercan ÖZAYDIN oo ah la taliyaha Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan

Guddoomiyaha waxaa shirka ku wehliyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS.

Lataliyaha Madaxweynaha ayaa Guddoomiye ku-xigeenka uga Mahadceliyay kulanka uu la qaatay maanta, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo ka baneyso colaadihii sokeeye ee soo maray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Waxaa uu balan-qaaday in kaalintooda horumarineed sii wadi doonaan si Somalia ula jaanqaado caalamka intiisa kale.

Guddoomiye Abshirow ayaa lataliyaha Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashadiisa isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga ay yihiin labo dal oo walaalo ah islamarkaana ay sii xoojin doonan wadashaqeynta iyo xiriirka labada Dowladood.

Related posts

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada: 11-ka Senator ee maanta lagu doortay magaalada Garawe

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Wadahadalka Xasan Sheekh iyo Abiy

Cabdi Cade

RW Xamse oo labo Wasiir ka gudoomay ballanqaadka qorshaha Waxqabad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---