Allbanaadir.com
NEWS

Gabadhii ugu horreysay oo Muslim ah oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya

Gabadhii ugu horreysay oo muslim ah kana tirsan ciidanka milatariga dalka Kenya, ayaa loo magacaabay in ay noqoto taliyaha ciidamada Cirka ee dalkaasi, kaddib is badal lagu sameeyay qaar kamid ah talisyada ciidamada milatariga Kenya.

Jeneral Faaduma Gaiti Axmed ayaa loo magacaabay in ay noqoto taliyaha ciidamada cirka ee dalka Kenya, waxa ayna haweeneydan kamid aheyd saraakiisha ugu saamneynta badan ciidamada milatariga Kenya.

Magacaabista taliyaha ciidamada cirka ee dalka Kenya ayaa timid kaddib geeridii ku timid taliyihii ciidanka milatariga Kenya iyo sagaal sargaal kale oo la socotay oo ku dhintay shil diyaaradeed, Madaxweyne Rutu ayaana isbadalo dhowr ah ku sameeyay talisyada ciidanka.

Haweeneydan loo magacaabay taliyaha ciidamada cirka dalka Kenya Jeneral Faaduma Gaiti Axmed, ayaa horey sidoo kale u noqotay gabadhiii ugu horreusay oo gaarta derajada sareeya gaas oo katirsan ciidanka milatariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo War cad kasoo saartay go’aankii dalka looga eryay Danjire Francisco Madeira

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo xulka Galmudug gudoonsiiyey koobka dowlad goboleedyada (Sawirro)

Caydiid Ali

Duufaano culus oo ku soo wajahan xeebaha Somalia iyo digniino laga bixiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---