Ciidamo uu wato Saney Cabdulle oo la wareegay Deegaanno Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa wada howlgalo balaaran oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno ay horey u joogeen kooxda Al Shabaab.

Howlgalkii ugu dambeeyay ciidanka huwanta ay fuliyeen saacadihii ugu dambeeyay ay kula wareegeen deegaannada Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga magaalada Bud -bud ee gobolka Galgaduud .

Ciidamada la wareegay deegaannadan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad Kornayl Saneey Cabdulle , waxa uuna sargaalkan oo la hadlay warbaahinta sheegay in ay bur buriyeen fariisimo badan ay lahaayeen Al Shabaab.

Saney Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada sii wadaan howlgalka ay ku baacsanayaan kooxda Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ay ka go’an tahay in Al Shabaab gabi ahaan ka saaraan deegaannada ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Ciidanka dowladda oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa bilaabay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada qorsheenayaan  in ay la wareegaan deegaanno iyo degmooyin ku haray gacanta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -