Allbanaadir.com
NEWS

Gen Indha Qarshe oo dhaliilay Hogaanka Saadka ee Ciidanka Milatariga (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa dhaliil xoogan usoo jeediyay Hogaanka saadka ee ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu eedeeyo in ay bixiyaan dareeska ciidanka .

Indha Qarshe oo ka hadlayay  Aqoon kororsi ah loo soo xiray Saraakiil ka tirsan qeybaha Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in lagula xisaabtami doono hadii la arko qof aan ciidanka ka tirsaneyn oo dareeska Milatariga xiran.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay jiraan dabley hubeesan oo xiran dareeska ciidanka kuwaa oo dadka gaadiidka dhibaato u geesta, waxa uuna xusay in raga isbaarooyinka dhiganaya aysan katirsaneyn ciidanka Milatariga.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dib u habeyn lagu sameeyo taliska Ciidanka xoogga,islamarkaana cidii dhibaato u geysata Shacabka lagula xisaabtami doono.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidanka Milatariga uga digay musuq maasuqa, waxa uuna cadeeyay in Musuq maasuqa uu dhaawacayo sumcada ciidanka Milataruga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor Salman oo ka hadlay Weerarkii saameynta badan ku yeeshay Sacuudiga

Cabdi Cade

Xisbiyada Mucaaradka oo goordhaw ku dhawaaqaya Isbahaysi cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo Washington kula kulmay Mrs. Cristine Lagarde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---