Faahfaahin: Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Faransiiska (Sawirro)

Muwaadin u dhashay dalka Siiriya ayaa ku dhaawacay afar caruur ah iyo qof weyn kadib weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay beer lagu nasto oo ku taalla magaalada Annecy ee koonfurta bari ee dalka Faransiiska maalintii Khamiista, sida ay booliisku sheegeen, qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa xaaladoodu aad u liidataa.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu ahaa 31 jir magangalyo doon ah oo Suuriyaan ah, kaasoo watay warqadaha aqoonsiga Swedishka iyo shatiga darawalnimada ee Swedishka. Si sharci ah ayuu Faransiiska ku soo galay, laamaha ammaankuna ma ay ogayn.

Ujeedadiisa ma cadda, ilo baariseed ayaa sheegay, in masuuliyiinta la dagaalanka argagixisanimada aan la waydiisan inay hogaamiyaan baaritaanka kiiskan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin, oo u safray Annecy isaga iyo Ra’iisul Wasaare Elisabeth Borne, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in la xiray ninkii weerarka geystay. TV-ga BFM ayaa soo bandhigay muuqaalka dhowr nin oo booliis ah oo ka xoog badiyay shaqsi ku sugnaa beerta.

Laba carruur ah iyo hal qof oo weyn ayaa ku sugnaa xaalad halis ah, halka laba carruur ah ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, ayuu yiri booliisku. Carruurta dhaawaca ah ayaa daā€™doodu u dhaxaysaa 22 bilood ilaa 3 sano jir, sida ay sheegeen.

Mid ka mid ah carruurta la dhaawacay ayaa u dhashay Britain, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Britain James Cleverly.

“Carruur iyo hal qof oo weyn ayaa u dhexeeya nolol iyo geeri, qaranku aad ayuu u naxay,” Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku yiri Twitter, isaga oo weerarka ku tilmaamay “fal fulaynimo buuxda ah”.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah carruurta dhaawacantay uu saarnaa gaari-garaacad. Dhacdadan ayaa ka dhacday abbaare 0745 GMT, garoonka ciyaaraha ee beerta quruxda badan ee harada dhinaceeda ee Annecy, oo ah magaalo ku taal buuraha Alps ee Faransiiska.

ā€œWuxuu ku booday (goobta ciyaarta) , waxa uu bilaabay qeylo ,kadibna waxa uu aaday dhanka gawaarida ,waxa uuna marar badan mindi ku dhuftay kuwa yar yar ,ayuu yiri goobjooge magaciisa ku sheegay Ferdinand oo la hadlay BFM TV.

“Wuxuu si cad u beegsaday dhallaanka,” ayuu yidhi. “Hooyooyinku way ooyaynayeen, qof walba wuu ordayay,” ayuu yiri George, oo ah mulkiilaha makhaayad u dhow.

Markhaatiyaal dhowr ah ayaa ku tilmaamay beerta Le Paquier ee uu weerarku ka dhacay sida caadiga ah meel xasiloon oo caan ku ah dalxiisayaasha aragtideeda yaabka leh.

Faransiiska ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay aad uga naxay dhowr dhacdo oo rabshado wata, oo uu ku jiro midi bishii hore lagu dilay kalkaaliye caafimaad magaalada Reims ee waqooyiga dalkaasi. Sidoo kale bishii hore, darawal sakhraansan ayaa si lama filaan ah u dilay saddex boolis ah.

Macron waxa uu dhaleeceeyay waxa uu ugu yeedhay “habsocodka ilbaxnimada” ee dalka, halka sharci-dajiyayaasha mucaaradka ay sheegayaan in dowladdiisu ay aad uga caajistay sharciga iyo kala dambeynta.

“Ma jiro wax ka karaahiyo badan in la weeraro carruurta,” afhayeenka baarlamaanka qaranka Yael Braun-Pivet ayaa ku yiri Twitter. Baarlamaanka ayaa muddo hal daqiiqo ah aamusnaa si ay u xusaan dhacdada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -