Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo mar kale kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan gaar ah magaalada Ankara kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Farmaajo la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo dhoor ah ay kamid tahay xaalada dalka ka jirta gaar ahaan horumarada dowlada gaartay iyo caqabadaha wali dowlda heesta.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaalada Siyaasadeed iyo isabadalada xoogan ee ka socda Geeska Afrika, waxa ayna labada masuul isku raaceen in laga tashto arimaha muhiimka ah inta aan go’aan deg deg ah laga qaadan.

”Waxaan Ankara ku kulany Madaxweyne Maxamed Cabduulaahi Farmaajo,waxaan kulankeena uga hadalnay arrimo ku saabsan guulaha ay gaartay dowladda iyo caqabadaha ku horgudban iyo sidoo looga gudbi lahaa oo dowladdu horumar u gasri laheyd ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee yeeshaan Farmaajo iyo Xasan Sheekh, waxa uuna kulankan kusoo aaadayaa xili dhawaan la hadal hayay in Xasan Sheekh uu kusoo laabanayo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -