Wararkii ugu dambeeyey duqeymo & dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bari

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degaanada Puntland dagaal culus ayaa maanta ka dhacay degaan u dhow degmada Isku shuban oo ka tirsan gobolka Bari, kaasoo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan.

Dagaalka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Ceelka-il oo hoos yimaada tuulada Timirshe, waxaana jira warar kale oo sheegaya in dagaalka ka hor ay halkaas ka dhacday duqeyn ay geysteen dayuurado dagaal oo loo malaynayo iney leeyihiin ciidamada Maraykanka

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee Puntland ay weerareen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyey weerarkaasi, balse waxay sheegeen inaysan xiligan faahfaahin intaas dheer ka bixin karin dagaalka dhacay.

Xoogag taabacsan Al-shabaab iyo Daacish ayaa siyaabo kala duwan fariisimo qarsoodi ah ugu leh dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaasoo ay ka soo abaabulaan weeraro iyo qaraxyo ka dhaca magaalada Boosaaso iyo degaano kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -