Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo geeriyooday iyo R/W Xamse oo ka hadlay

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre ayaa maanta oo Arbaca ah ku geeriyooday magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiya ,halkaas uu ku xanuunsanaa muddooyinkii lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa).

“Waxaan Allah uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ugu soo adeeggay dalkeenna,wuxuu kaalin mugleh ka soo qaatay midnimada, dowlad-dhiska iyo isku haynta ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay ugu sareeysay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxa uuna muddooyinkii dambe dib ugu laabtay Somaliland isaga oo ka baxay siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiiskii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19 oo laga helay & Jigjiga qof ka yimid Puntland oo..

Caydiid Ali

Musharax Guuleed oo sharaxay Sababaha keenay amaan darada dalka kusoo korortay

Cabdi Cade

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Digniin cusub soo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---