Kiiskii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19 oo laga helay & Jigjiga qof ka yimid Puntland oo..

Magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka COVID-19

Qoraal ka soo baxay machadka Caafimaadka bulshada ee dalka Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay in qofka laga helay qof haysta dhalashada dalka Ethiopia oo ka safray degaanada Puntland.

Maamulka degaanka Soomaalida ayaa Karantiilay qofka laga helay cudurkan oo 30 jir ah, waxaana masuuliyiinta halkaas joogta ay sheegeen in la raadinayo dhamaan dadkii uu xiriirka la sameeyey qofka laga helay cudurkan.

Itoobiya ayaa waxaa laga helay illaa hadda 123 kiis oo cudurkan Coronavirus ah, iyadoo sadex qofna ay ugu dhinteen, waana dalka ugu kiisaska yar dalalka bariga Afrika marka loo eego Somalia, Jabuuti iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -