Baarlamanka Somalia iyo dhigiisa Midowga Yurub oo afar qodob ku heshiiyey (Sawirro)

Guddiga Difaaca iyo Guddiga Amniga ee Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta la kulmay dhigooda midowga Baarlamaanka Yurub ayaa waxay si qotodheer uga wada hadleen Xaaladda guud ee wadanka, gaar ahaan Dagaalka al-shabaab dalka looga sifeynayo wejigiisi koowaad iyo Bilowga wejigiisa labaad.

Guddigu wuxuu ka warbixiyey faa’iidada mashaariicda Midowga Yurub ugu deeqo laamaha Amniga, tayaynta, qalabaynta Ciidanka Xooga Dalka iyo booliska labadiisa heer. taageeridda hufnaanta Wasaaradaha iyo Sare u qaadidda doorka korjoogtaynta ee Guddiyada Difaaca iyo Amniga.

Ugu dambayn Guddiga Difaaca iyo Guddiga Amnigu ayaa dhigooda Midowga Yurub waxay ku heshiiyeen.

1-In Soomaaliya ay ka taageeraan qaadidda xayiraada cunaqabataynta hubka oo lagama maarmaan u ah ladagaallanka khawaariijta

2-In ay qayb laxaad leh ka qaataan u diyaargarowga xiliga kala Guurka

3-In ay kordhiyaan kaalmada ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhanka Hubka, dhisidda xeryo ciidan iyo goobo caafimaad

4-Guddiga ayaa waxay isku afgarteen In ay wadashqeeyaan labada Guddi, Islamarkaana kawada shaqeeyan dhamaan korjoogtaynta mashaariicda kaalmeed si ay u hubiyaan hufnaanta deeqahaasi in ay gaareen meeshii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -