Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada wadada dhinaceeda la dhigo uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM-4 gaar ahaan wadada aada dhinaca garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qaraxa miino ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa jugtiisa laga maqlay Degmooyin badan oo katirsan gobolka Banaadir, waxaana qaraxa la sheegay in lala eegtay gaari ciidan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lala eegtay sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Cornel Maxamed Daahir , sargaalkan ayaana la sheegay in qaraxa ka bad baaday balse qaar kamid ah ilaaladiisa ku dhaawacmeen.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha Wadooyinka ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyo kala duwan oo miino Muqdisho lagula eegtay saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Darawal Bajaaj oo laga soo badbaadiyey Gabar 5 jir ah & afhayeenka Wasaarada amniga oo ka hadlay

Caydiid Ali

Shiikh Shariif: “Waa wax aad looga xumaado wixii ka dhacay maanta kulankii labada aqal”

Caydiid Ali

Midowga Yurub: “Waanu la xisaabtami doonaa kuwa masuulka ka ah rabshadaha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---