Mid kamid ah Taliye kuxigeenadii NISA ee xilka laga qaaday oo xil cusub loo magacaabay (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh ayaa xil cusub oo lataliye ah waxaa loogu magacaabay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u magacaabay C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  in uu noqdo Lataliye sare oo katirsan Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhaw, waxa ayna labada masuul kasoo wada shaqeeyeen Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -