Galmudug oo Baaq kasoo saartay Xaalada adag ee ka taagan magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka taagan xaalad adag oo dhinaca bini’aadanimada ah, waxaana magaaladaasi ku fatahay wabiga Shabelle kadib roobab xoogan oo halkaasi ka da’ay.

Dadkii kunoolaa magaalada ayaa intooda badan isaga qaxay biyaha kusoo fatahay magaalada, waxaa sidoo kale jira dad badan oo wali ku go’doonsan qeybo kamid ah magaaladaasi oo xaalad adag ay heesato.

Wasiiru dowlaha wasaarada Maareynta Musiibooyinka Galmudug Saciid Cabdi Faarax (Qalable) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aad uga murugeesan yihiin dhibaatada xiligan heesata walaalaha Baladweyne.

Waxa uu Wasiirka ugu horey ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay doontii shalay ku rogmatay magaalada Baladweyne, waxa uuna tilmaamay in xaalada hada ka jirta magaalada Baladweyne aysan aheyn mid indhaha laga fiirsan karo.

Wasiir Qalable ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda in ay u gurmadaan walaalahooda ku dhibaateesan Baladweyne iyo duleedyadeeda, waxa uuna ku booriyay in aan la sugin beel caalam balse loo baayahay in Soomaalidu isku gurmato.

” Waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in si deg deg ah ugu gurmadaan walaalahooda biyaha ku fatahay ee banaanada yaala, maanta oo kale ayaa loo baahan yahay in Soomaalinimo la isku garab istaago, yaanan la sugin beel caalam iyo dad kale oo soo gurmada,” ayuu yiri Wasiir Saciid Qalable.

Baaqa Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili xaalad adag ka jirto magaalada Baladweyne , waxaana adag in xiligan gurmad dhinaca cirka ah la gaarsiiyo magaalladaasi maadaama garoonka magaalada uusan shaqeeneyn oo saameyn ku yeeshay roobabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -