Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo gar gaar gaarsiisay magaalo dhawaan Fatahaad saameesay (Sawirro)

Wasiirka gargaarka, wasiir ku-xigeenka Batroolka iyo howl wadeenna ka socda wasaaradda Tamarta iyo biyaha  ayaa gargaar gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo kamid ah deegaanada ay fatahaaduhu dhibaatada ka geysteen.

Wasiirrada iyo Engineer ka socday wasaaradda biyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaannada uu wabiga Jubba ku fatahay iyo meelaha uu wabigu biyaha ka keenay si loogu diyaar garoobo xiridda meelaha uu Wabigu ka fatahayo.

Maamulka Baardheere ee gobalka Gedo ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay gargaarka loogu gurmanayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiirrada ka socda xukuumadda ayaa shacabka ku nool Baardheere u ballan qaaday in dowladdu ay sii wadeyso gurmadka lagu samata bixinayo inta xaaladdu sideedii hore kusoo laabaneyso.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo shaki galiyay kursigii uu ku guuleestay Maxamed Cali Xasan

Cabdi Cade

Muxuu yahay Shirweynaha uu Cali Guudlaawe ka furay Magaalada Jowhar? (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax ka dhan ah Galmudug oo ka dhacay Balanbale iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---