Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar Dhaqan wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed Islaamka ku noqotay (Sawirro)

Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo dalxiis ku joogtay magaalada Tekirdağ, waqooyiga Turkiga ayaa qaadatay diinta Islaamka, kaddib markii ay la dhacday hab dhaqanka saaxiibteed oo Muslimad ah.

Intii lagu guda-jiray joogitaankeeda Turkiga, Elodle Moreno, oo 24 jir ah, waxay bilowday inay baaritaan ku sameyso barashada Diinta Islaamka, in yar kadibna waxay ku dhawaaqday kelmadda Tawxiidka.

Elodle ayaa markii loo qabtay shahaadada kaddib waxay qaadatay magac cusub oo ah Sibel, waxa ayna durba wax ka bedeshay hab dhaqankeedii hore iyadoona durba asturtay jirkeeda.

.Diinta Islaamka waa midda ugu faafidda badan adduunka. Waxaana sannad kasta kusoo biira kumaankun dad ah oo ku kala nool dunida dacalladeeda, waxaana dadka soo galaya Diinta Islaamka badankood ku qancaan habdhaqanka dadka Muslimiinta ah ee wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqii Magaalada Beled-weyne oo xilka laga qaaday & mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Somaliland oo Deegaanadeeda ka mamnuucday Isticmaalka Domain-ka .So (Akhriso)

Cabdi Cade

(Akhriso) Beesha Caalamka oo soo saartay war aysan ku farxin Maamulka Muuse Biixi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---