Qaramada Midoobay oo ku baaqday in dhulka Falastiin la geeyo ciidamo hubeysan oo….

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ku baaqay dhulka Falastiin ee xooga ku heesato Isra’il in la geeyo ciidamo hubeesan oo hoos imaanaya Qaramada Midoobay sidoo kale loo diro kormeerayaal madani ah.

Waxa uu sheegay Antonio Guterres, in muhiim tahay in shacabka Falastiin  in la ilaaliyo si fiicana loo difaaco, waxa uu xusay in dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool dhulka ay xoogga ku heysato Israa’il ay soo wajahday caqabado culus oo dadka halis ku ah,

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shacabka Falastiin ee kunool dhulka xooga ku heesato Isra’il ay dhibaato kala kulmaan Milatariga Isra’il ee mudada dheer dul degan sidoo kale la kulmaan halis joogta ah.

Mr Guterres ayaa sidoo kale sheegay in mashaariicda Qamada Midoobay ay ka waday dhulka Falastiin ay ay haatan hoos uga dhaceen intii loo baahna, waxa uuna cadeeyay in la balaarinayo barnaamika gar gaarka ee Hay;adaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay in ciidamo ka amar qaata geyso dhulka Falastiin iyo sidoo kale kormeerayaal u dirto ayaa u baahnaan doonta in ay ansixiyaan golaha amaanka, waxaana laga cabsi qabaa in Mareykanka ka hor yimaado qaraarkan Qaramada Midoobay ay wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -