Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay deeq ka timid Midowga Yurub

DF ayaa guddoontay deeq ka timid Midowga Yurub oo maanta laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ka hadlay munaasabadda guddoomidda ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo Dowladda Talyaaniga kaalmadooda caafimaad oo sare u qaadaysa awoodda xirfadlayaasha caafimaadka ay kaga hortagayaan COVID-19.

Waxa uu caddeeyay in duulimaadkani oo ah kii koowaad ee bani’aadannimo oo Midowga Yurub agab caafimaad ku soo gaarsiiyo Muqdisho ka koobnaa af-saabka (maaskaro), dareeraha gacmaha lagu dhaqo, gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta leh iyo qalabka baaritaanka, waxaa intaa sii dheer agabka lagu mooso daadadka.

Waxaa munaasabadan Goob-joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub, Mudane Nicolas Berlanga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Alberto Vecchi,

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 2,961 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 973 ruux oo bogsatay iyo 92 ruux oo u geeriyootay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullaah oo adeegsatay Gantaalo nuuc cusub ah iyo Israel oo ka walaacsan

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo lagu riday rag dil iyo Afduub geestay

Cabdi Cade

Saciid Deni oo warbixin siiyey wafdi ka socday dowlada Kuwait (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---