Raila Odinga oo ka bad baaday isku day dil kana hadlay cidda ka dambeesay

Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo, xilli uu shalay ka qeyb qaadanayay bannaan bax ay dhigayeen qaar kamid ah taageerayaashiisa.

Raila Odinga ayaa sheegay in khamiistii shalay xilli ay socdeen dibad bax gaarigiisa lagu dhuftay todobo xabadood, waxa uuna xusay in rasaastaasi lagu soo furay ka dambeeyeen ciidamada ammaanka Kenya uu xusay in ay doonayeen in ay khaarijiyaan.

Waxa uu sheegay Odinga in booliisku ay beegsadeen gaarigiisa iyo kuwa kale oo ay la socdeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka intii ay socdeen dibad baxyo ka dhacayay xaafadda Eastland ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan qorshayaal halis ah oo la doonayo in lagu weerarayo xafiisyada kooxda hormuudka u ah adeegga warbaahinta Royal ee magaalada Nairobi, isagoona ka digay in la waxyeeleeyo Warbaahinta

Odinga ayaa sidoo kale beesha caalamka ku eedeeyay in ay iska indho tirayaan xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ay geesanayaan ciidamada ammaanka dalka Kenya oo ammar ka heesta sida uu tilmaamay madaxda sare.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in 3-da bisha April oo ku beegan maalinta Isniinta qabanayaan dibad bax weyn oo looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ruto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -