Bankiga Adduunka oo shaaciyey in Somalia qarka u saaran tahay inay Gaarto heerka HIPC

Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa sheegay in Soomaliya Qarka u saaran tahay inay Gaarto heerka HIPC ee dhammaystirka (Completion Point). Kaasoo ah halkii ugu dambeysay ee Soomaliya daynta looga cafinayo.

Hindisaha HIPC (Heavily Indebted Poor Countries ) oo ah hindise dowladaha faqriga ah ee daymaha culus lagu leeyahay logu raadinayo cafiska deynta, ayaa  Soomaaliya waxay ka gudubtay dhamaan qodobadii iyo sharuudihii iyadoo baarlamaankaan 11-aad uu meel mariyay sharuudo badan oo ku xirnaa in la gaaro yoolkaasi.

3da bil ama 4ta bil ee soo socota waxay u badantahay Soomaliya inay ku guuleysato in daynta laga cafiyo taasoo Soomaliya ka dhigaysa mid kamid ah dalalkii ugu mudada gaabnaa ee daynta looga cafiyo ee maray hanaanka HIPC.

Dhinaca kale, Koox ka socota Bankiga Adduunka ayaa kulan laba cisho ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ujeedooyinka kulanka ayaa ahaa in la qiimeeyo caqabadaha hortaagan fulinta mashaariicda iyo sidii loo heli lahaa habab lagu dardargeliyo fulinta mashaariicda horumarineed ee saameynta u leh dadka Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa ka soo baxay go’aano miro dhal ah, iyadoo ay ka qeybgaleen Dr. Cilmi Nuur, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Biixi, Cige, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Jamaal Takhal Cabaas, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada.

“Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxaana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah,” ayuu yiri Keith Hansen, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda, oo khudbad online ah u jeediyay kulankaasi.

“Waa wax lagu farxo in la ogaado in shaqada dowladda ay u socoto si wanaagsan ,iyada oo aysan jirin arrimo taagan,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur ayaa u mahad celiyay madaxda bangiga Dunida .,isagoo yiri” Waxaan ku soconnaa wadadii aan ku sii wanaajin lahayn saameynta hawlgal ee dhammaan mashaariicda waxaanan isticmaali doonnaa casharradii la bartay waqti ka dib si aan u wanaajino barnaamijyada hadda iyo kuwa mustaqbalka.”

Bilaha soo socda waxaa la filayaa in Bankiga Adduunka uu si dhow ula shaqeeyo dowladda iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF si ay u taageeraan howsha gunaanadka barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya, taasoo haddii ay suurtagasho gacan ka geysan doonta furitaanka fursado maaliyadeed oo cusub oo uu helo dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -