Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay J/hoose

Waxaa soo baxaya Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaal culus oo degaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaanka Taabta oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Kismaayo.

Goob-joogayaal ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka ka soo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah inkastoo aan tirakob sax ah laga heynin.

Sida ay sheegayaan Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Taabta ee gobolka Jubbada hoose Ciidamada Kenya ayaa halkaasi ka wada baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii soo weeraray oo markii dambe dib uga laabtay degaanka Taabta.

Related posts

Shir Sadex Geesood ah oo u socda Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Itoobiya oo shaaciyay Magacyada Saraakiil sar sare oo Tigrey ah oo la laayay

Cabdi Cade

Milateriga afgembiga ku qabsaday talada Niger oo xili kama dambeys ah loo qabtay

Caydiid Ali