Dowlada Somalia oo tirakoob ka soo saartay saameynta ka dhalatay abaarta ka jirta dalka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xaruntiisa Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Degdegg ah (National Emergency Operation Center, NEOC) waxa iyada oo kaashanaysa dhammaan Wasaaraddaha heer Federal iyo Dawlad goboleedyada dalka ay xog uruurin iyo baaris qoto dheer ku samaysay 10-kii bilood ee ugu danbeeyay saamaynta abaartu ku yeelatay dadka iyo duunyadaba.

Soomaaliya waxay maraysaa abaartii 3-aad mudo 10 sanno gudahood. Abaartani waxay darajo ahaan ku dhawdahay Macaluul – waana abaartii ugu cusleyd tan iyo sanadkii 1981.

Sida xogta Xaruntu muujineyso dalku guud ahaan wuxuu ku sii siqayaa darajada 5-aad oo ah tan ugu darran xagga saameynta.

Sidaa darteed dowladda cusub ee Soomaaliya oo ahmiyad gaar ah siineysa wax ka qabashada dhibaatooyinka abaarta – ayaa haddana waxaa laga codsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibeddaba, gaar ahaan Ganacsatada inay u gargaaraan walaalahooda ay saameysay abaarta.

HOOS KA AKHRISO TIRAKOOBKA LA SOO SAARAY..

- Advertisement -