Askari 5 kun Sh.so u dilay oday 65 jir ah & Taliska Booliska oo war kasoo saaray

Askari katirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar ayaa maanta qof shacab ah dil bareer ah ugu geystay Suuq yaraha loo yaqaano Koodka oo ku yaalla degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana dilkaasi si weyn uga carrooday dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay askariga iyo ninka la dilay ayaa la sheegay inuu dhaxmaray muran la xiriira Shan kun Shilin Soomaali ah taasoo aheyd canshuur askarigu ka rabay ninka uu dilay oo ganacsi yar yar ku heysta Suuqa, waxaana muran kaddib askariga uu rasaas la dhacay ninkii odayga ahaa oo da’diisa lagu sheegay 65 sano jir

Afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadaq Doodishe ayaa sheegay in ciidamada booliiska gacanta ku hayaan askari dil u geestay nin 65-sanno jir ahaa oo lagu magacaabayay Abuubakar Maxamed Nuurani.

“Maanta 1:20 duhurnimo, ayaa Boliiska Gobolka Banaadir, gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, oo Degmada Xamar-weyne Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani, 65 jir ahaa Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar. Eedeysanah ayaa Cadaalada Wajahaya, IA” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si micno darro ah mararka qaar u dila dad shacab ah, ciidamada dilalka geesta ayaa qaarkood baxsadaan halka kuwa kalana xabsiyada ku jiraan iyaga oo xukuno lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -