Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar culus Al Shabaab ku qaadeen Duleedka Baledweyne

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab kana soo gudbay dhinaca wabiga  ayaa saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Baardheere oo qiyaastii dhinaca Koonfureed Baledweyne kaga beegan 20-km .

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa si gaar ah u weeraray saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u culus.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen qaraxyo iyo hub culus ay is dhaafsanayeen labada dhinac, waxaana deegaanka Baardheere dagaalka ka dhacay ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in ay hadda kusii daba jiraan firxadka kooxdii weerarka soo qaaday .

Ciidamo aad u badan iyo gaadiid dagaal oo ka baxay magaalada Baledweyne ayaa gaaray deegaanka saakay weerarka Al Shabaab ku qaadeen, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in gaadiidkaasi qaarkood lagu weeraray qaraxyo jidka loo sii galiyay.

Al Shabaab ayaa war ay ku baahiyeen warbaahintooda ku sheegeen in ay la wareegeen saldhigyadii ciidanka ku lahaayeen deegaanka Baardheere, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in ay qaraxyo ku gubeen labo gaari oo gurmad ahaan ugu socday Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka dalka oo furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo gaaray Irdaha Isbitaalka Al-Shifa & dhaqaatiirta oo diiday amar la siiyey

Caydiid Ali

Maamulka gobolka Gedo oo si kulul u beeniyey Warar ay qoreen Warbaahinta Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---