Heyadda Cuntada iyo beeraha ee QM (FAO) ayaa digniin culus ka bixisay fatahaado iyo daadad ka dhalaan kara roobab xoogan oo ka da’aya qeybo ka mid ah Somalia iyo Itoobiya.
FAO ayaa sheegtay in Heerka webiga Shabeelle ee Beledweyne uu si xawli ah kor ugu kacayo ayna taasi keeni karto halis fatahaad oo soo wajahan
“Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in mawjado daadad ah ay kusoo wajahan yihiin Mowjadda daadka waxa laga yaabaa inay gaaro Beletweyne 2-3 maalmood ee soo socda, Khatarta sare ee fatahaadda Beledweyne & nawaaxigeeda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay FAO
Waxay kaloo ku sheegtay qoraalka in Heerarka webiga Jubba ee Doolow, Baardheere & Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo uu weli yahay mid sarreeya.
“Khatarta sare ee fatahaadda dhexda/hoose ee webiga Jubba waa mid xoogan, dadka ku teedsan meelaha u nugul fatahaaduhu waa inay ka taxadaraan” ayey heyaddu qoraalkeeda ku soo xirtay
Dhinaca kale, Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Xarunteeda ka digista Halis-wadareedka oo digniin iyo talabixinba siineeysa bulshada Soomaaliyeed si ay uga taxadaraan khataraha uga imaankara daadad ama fatahaado ka dhalankara roobka xilliga Gu’ga oo ka curtay qeybo kamid ah dalka.
“Inkastoo la saadaalinayo inay roobabkaasi noqonayaan kuwo xaddi ahaan ka hooseeyn doona intii xilliga Gu’ga la heli jiray Hadana waxaa suurtagal ah inay wabiyadeena saameeyn ku yeeshaan roobabka ka da’aya dhulka buuralayda dalka Itoobiya, roobabkaas oo sababi kara fatahaado” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay heyaddda.
Hoos ka akhriso jaantus ay Sodma ka sameysay roobabkaa xiliga dhow iyo saameynta ka dhalan karta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Ka farxi ALLE dartii, Aabe aan shaqeysan karin & qoyskiisa oo xaalad adag ku nool (Sawirro-Video)