Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiir Fiqi oo shir deg deg ah iskugu yeeray heyadaha Q/Midoobay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay wax ka qabashada waxyeeladda fatahaadda Webiga Jubba uu u geystay bulshada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay ku-xigeenka ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo hey’ado Samafal oo maxali iyo caalami isugu jira.

Hey’adaha kulanka mudane Axmed Macallim Fiqi  qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa hay’adaha samafalka sida SODMA, UN-OCHA, WFP, IOM, UNICEF, FAO iyo UNHCR.

Iyada oo laga ambaqaadayo hagidda Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa ay hey’adaha samafalka caalamiga ah iyo saxiibada Soomaaliya balanqaadeen sida ay uga go’antahay in gurmad Banii’aadnimo oo degdeg ah lala gaaro bulshada ku dhibaateysan Baardheere iyo weliba xal u helidda fatahaadaha.

Dad badan ayaa ku dhintay, qaar kalena wey ku guryo beeleen roobab xoogan iyo fatahaad uu sameeyey webiga Jubba oo ku dhuftay degmada Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Gudoomiyaha Aqalka sare oo Sheegay in Viila Soomaaliya ay rabto in loo ansixiyo sharciyo aan u wanaagsanayn Shacabka !!

admin

Puntland oo Caawa War cad kasoo saartay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Somalia iyo Masar oo ku heshiiyey iney iska kaashadaan hal arrin (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---