Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo diiday dalab culus oo ka yimid dowlada Ruushka

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday dalab ka yimid dalka Ruushka oo ahaa in baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha loo yaqaan Nord Stream 1 & 2 ee shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka isla markaana geeya dalalka Yurub

Dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo Brazil ayaa u codeeyey codsiga Ruushka, hase ahaatee xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa ka aamusay ama sheegay inaan loo baahnayn in baaritaan lagu sameeyo arrintan.

Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, illaa haatanna ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas.

Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baaris samayso, iyada oo ay baaris wadaan Sweden, Jarmalka iyo Denmark.

Labada dhuumood ee shidaalka ee Nord Stream 1 Nord Stream 2 ayay inteeda badan maalgelisay dawladda Ruushku.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, halka dhuunta labaad aanay shaqo bilaabin, ka dib markii dawladda Jarmalku ay warqaddii ogolaanshaha ahayd kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -