Madaxweyne Farmaajo oo dhameystay booqashadii Jabuuti, una duulay dalka..

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo howlo shaqo u joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta u ambabaxay Dalka Turkiga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo iyo dhigiisa Erdogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka Walaaltinimo ee labada Dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha, ammaanka, is-dhaafsiga ganacsiga, maalgashiga iyo qodobo kale.

Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part, shirkaas oo dhici doono Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -